Dhammaan Waalidiinta
Waa maxay sababta uu run ahaantii aabuhu u sameeyo isbeddel...
Gobolka Ohio, haddii hooyada iyo aabuhu aanay isqabin marka ilmuhu dhasho, ilmuhu ma haysto aabbo sharci ah ilaa la aasaaso aabbannimada.
Dhammaan carruurtu waxay xaq u leeyihiin inay ogaadaan cidda ay yihiin, meesha ay ka yimaadeen, cidda ay waalidiintoodu tahay iyo dhammaan faa'iidooyinka la yimaada aasaasidda aabannimada.
Baro wax wax badan oo ku saabsan diiwaangelinnada caafimaadka iyo tallooyin ku saabsan sida loogu diyaargarooobo samaynta aabbanimada isbitaalka.
Faa’iidooyinka Aasaasidda Aabannimada
Waa maxay faa’iidooyinka aasaasidda aabannimaada?
Aqoonsiga: Magaca aabaha ayaa kasoo muuqan doona shahaadada Dhalashada ilmaha kaasoo qaadanaaya xaquuqda sharci ee cunugiisa.
Caafimaadka: Carruurta ayaa ka faa'iidaysan kara inay ogaadaan taariikhda caafimaadka ee labada waalidba, gaar ahaana haddii cunug uu dhaxlo xanuun caafimaad. Marka dhakhtarku uu helo taariikhda caafimaadka ee hooyada iyo aabaha, baahiyaha gaarka ah ee cunuga ayaa xal loo heli karaa. Cunuga ayaa sidoo kale heli doona diiwaanka caymiska caafimaadka.
Taageero: Xaqiijinta aabenimada ayaa ka dhex abuuraysa xariiro sharci, dareen, bulshanimo iyo dhaqaalaha waalidka iyo cunuga si ay u wadaagaan masuuliyadaha iyo faa'iidooyinka waalidnimada. Carruurta waalidka aan isqabin ee aan taageerada ka helin labada waalidba ayay u badan tahay inay ku noolaadaan nolol fakhri ah ayna waajahaan caqabadaha kale ee koriimada.
Gunnooyinka: Marka aabenimada la xaqiijiyo, cunugiisa ayaa heli kara gunnooyinka sida Social Security, caymiska nolosha, gunnooyinka milatariga, iyo dhaxalka.
Sharciga: Xaqiijinta aabenimadu waxay abuuraysaa xariir sharci oo u dhexeeya aabe iyo cunug. Waalidiinta sharciga ah waxay xaq u leeyihiin inay xariir la yeeshaan cunugooda ayna caawimaad ka helaan maxkamada si ay u booqdaan ilmaha iyo/ama u qaataan masuuliyadiisa.

Aasaasidda aabannimada waxay caruurtu ka caawisaa…
Inay la xiriiraan labada waalidba
Horumariyaan dareenka aqoonsiga
Ogaadaan taariikhda caafimaad ee labada qoysba
Helaan caymiska caafimaadka iyo faa'iidooyinka sida Amniga Bulshada iyo dhaxalka
Ka fogaadaan dabeecadaha khatarta sare leh
Aasaasidda aabannimada waxay hooyooyinka ka caawisaa…
Taageero u helaan xagga masuuliyadaha iyo go'aannada
La wadaagaan farxadda waalidnnimada
La qaybsashada kharashka koritaanka ilmaha

Aasaasidda aabannimada waxay aabeyaasha ka caawisaa…
Inay helaan xuquuq sharci ah si ay xiriir ula yeeshaan canugooda
U abuuraan xiriir dareen leh ee cunugooda kana mid noqdaan noloshooda
La wadaagaan dhinacooda qoyska ee ilmahooda
Waydiistaan maxkamadda inay ka caawiso arrimaha booqashada iyo xannaaneynta
Ma ogtahay in carruurta waalidka aan is qabin ay 4 jeer u badan tahay inay ku noolaadaan saboolnimmo?
Laakiin marka aabbayaashu ay ka qayb-qaataan nolosha carruurtooda, waxay samayn karaan farqi weyn. Cilmi-baaris ayaa waxay muujinaysaa in carruurta aabayaashood ay door firfircoon ka qaataan noloshooda ay:
2 jeer laga yaabaa in ay ka yaraato inay dugsiga sare ka tagaan
7 jeer ka yar tahay inay uuraysato markay tahay dhalinyaro
Inay yaraato iny ku xadgudbn daroogada iyo aalkolada
Yaraato in ay yeeshaan dhibaatooyin akhlaaq ah
Yaraato in ay la kulmaan xadgudub iyo dayacaad
Yaraato in ay ku dhacdo cayilka xad-dhaafka ah
Yaraato inay galaan xabsiga