Bayaanka Qarinta Sirta Diiwaangelinta Aabbanimada ee
Bartamaha Ohio

Cusbooneysiintii ugu dambeysay: Oktoobar 18,2022

Ballanqaadka Qarinta Sirta ee Maximus

Waad ku mahadsan tahay inaad soo booqatay shabakada Diiwaanka Aabbanimada ee Bartamaha Ohio ("Shabakada"). Maximus ayaa uga shaqeeysa shabakadan Waaxda Shaqada iyo Adeegyada Qoyska ee Ohio ("ODJFS"). Shabakadan waxa laga helaa www.oh-paternity.com. Waxaa loo qaabeeyey si ay u siiso macluumaadka iyo agabka waalidiinta, xarumaha dhalmada, diiwangeliyayaasha, maxkamadaha, iyo Hay'adaha Dhaqangelinta Taageerada Caruurta(CSEAs). Bayaankan Qarinta Sirta ayaa xukuma isticmaalkaaga Shabakadan. Fadlan akhri ka hor intaadan galin oo isticmaalin shabakadan.

Qarinta Sirta waa mudnaanta koowaad ee Maximus. Waxaa naga go'an inaan xogtaada u ilaalino si sir ku dheehantahay. Maximus waxay ixtiraamayaan sirtaada. Bayaankan Qarinta Sirta ayaa muujinaya sida ay u adeegaaga nooga go'an tahay

Bayaankan Qarinta Sirta ayaa khuseeya:

  • Macluumaadka kugu saabsan ee aan kaa ururinno

  • Sida aan u isticmaalno macluumaadka aan ururino

  • Dooqa aad haysato ee ku saabsan sida aanu u ururino una isticmaalno macluumaadkaaga

Qoraalkan Qarinta Sirta ma khusayso:

  • Hab-dhaqannada qarsoodiga ah ee waxqabadyada lagu sameeyo si ka baxsan isticmaalkaaga
    shabakadan

  • Mareegaha aan shabakadan ahayn

  • Abbyada aan Abbkan ahayn

  • Alaabooyinka iyo adeegyada aan laga heli karin ama laga hawlgelin shabakadan

Nuxurka

Macluumaadka aanu ururino

Waxaad isticmaali kartaa inta badan shabakadan adigoon isdiwaangelin ama bixin macluumaadkaaga shakhsi ahaaneed. Si aad u isticmaasho qaar ka mid ah sifooyinka shabakadan, waxaa laga yaabaa in lagu weydiiyo inaad bixiso macluumaadkaaga shakhsiyeed. Maximus ma ururiso wax macluumaad shakhsi ah oo adiga kugu saabsan iyada oo loo marayo shabakadan ilaa aad ogolaato inaad siiso. Waxa kale oo aad dooran kartaa inaad nasiiso macluumaadka shakhsiyeed ee onleenka Nagala soo Xiriir bogga si aanu uga jawaabno codsigaaga macluumaadka.

Waxaan aqoonsaneynaa xogta aan u baahanahay si aan ku siino adeegyada ama macluumaadka aad weydiiso. Kuwani waa waxyaabaha qaarkood Maximus laga yaabo inay ku weydiiyaan si aad u bixiso ama u xaqiijiso (kani maaha liis dhamaystiran):

  • Magacaaga iyo Magaca Qoyskaaga

  • Cinwaanka Waraaqadaha, oo ay ku jiraan ZIP-ka ama Koodhka Boostada

  • Nambarka Taleefonkaaga

Haddii aad doorato inaadan nasiin macluumaadkan, waxaa laga yaabaa inaadan awoodin inaad qaar ka mid ah adeegyada ka hesho shabakadan.

Ku laabo Nuxurka

Sida aan u isticmaalno oo u wadaagno macluumaadka aan ururino

Marka aad siiso Maximus macluumaadka gaarka ah, hadii aan waydiisano iyo hadii kaleba, waxaad ogolaatay in Maximus ururiyaan oo ay la wadaagaan macluumaadka ODJFS sababaha aad xogta u siisay. Marka laga reebo sida hoos lagu sheegay ama sida kale ee uu sharcigu fasaxay, Maximus kaliya waxa ay ururinaysaa ama siidayn doontaa macluumaadkan shaqsiyeed iyada oo loo sii marayo shabakadan haddii aad ogolaato inaan uruurino ama daaha ka qaadno macluumaadkas shakhsiyeed. Maximus waxa laga yaabaa inay uruuriso ama bixiso macluumaadka shakhsiyeed heshiis la'aan marka aan anagu u baahanahay:

  • U fulino waajibaadkeena qaanuuniga ah sida uu ogol yahay sharciga ama Sharciga gobolka ama sharciga heer federaalka ama Sharciyada kale

  • U hogaansamo hababka sharciga ansax ah sida baaris sharci ah, u yeeris maxkamadeed, ama amar maxkamadeed

Maximus waxa kale oo laga yaabaa inay u bandhigaan macluumaadkaaga shakhsiyeed dawlada dhexe ama maamulka fulinta sharciga gobolka si ay u meel mariyaan xuquuqdeena ka dhanka ah galitaanka aan la ogolayn ama iskudayga galitaanka aan la ogolayn ee hantida tignoolajiyada macluumaadka ee Maximus.

Maximus waxa laga yaabaa inay la wadaagaan macluumaadka shakhsiyeed wakiiladayada, xiriiradeena, iyo qandaraaslayaasheena si ay u qabtaan hawlo gaar ah oo la xiriira macaamilkaaga.

Maximus lama wadaagoto macluumaadkaaga shakhsiyeed cid saddexaad oo aan xiriir la lahayn. Waxaa laga yaabaa inaan u isticmaalno macluumaadkaaga si aan u wanaajino waxa ku jira shabakada, hagidda, iyo hufnaanta.

Si aan shabakadeena kugu wanaajino, waxa laga yaabaa inaan isticmaalno oo aan la wadaagno kuwa kale oo la ururiyey ama qarsoodi ah (aan la aqoonsan karin) macluumaadka aan ka ururinay xogta isticmaalka, sahannada, ama xogta tirakoobka ee aan ka soo ururinay isticmaalayaasheena.

Ku laabo Nuxurka

Macluumaadka aan hayno

Maximus waxay ilaaliyaan macluumaadka aanu ku ururinay shabakadan, oo ay ku jiraan macluumaadka shakhsiyeed ee aad soo dirto, sida uu dhigayo heshiiskeena ODJFS. Si aad wax badan uga ogaato sharciyada xafidaada macluumaadkaaga, su'aalahaaga ku soo dir cinwaanka hoos ku xusan.

Ku laabo Nuxurka

Bayaanka Qarinta Sirta ee Shabakada

Markaad booqato shabakadeena, adeega shabakadeena ayaa si toos ah u ururiyaa oo diiwaan geliya xogta isticmaalka shabakada iyagoo ka wakiil ah ODJFS si uu noogu sheego sida booqdeyaasha u isticmaalayaan shabakadeena. Xogtan waxaa ka mid ah:

  • Ciwaanka Saxda ah ee aad joogtid.

  • Shabakadaha tixraaca

  • Bogagga la daawaday

  • Nooca aalada aad isticmaashay

  • Nidaamka hawlgalka

  • Xawaaraha Maskaxda kombuyuutarka(CPU)

  • Tixraaca ama ka baxida bogagga shabakada

  • Muddada booqashada

Ku laabo Nuxurka

Aaaladaha xayaysiinta, "Ha Raad-Raacin" calaamadaha, iyo Falaanqeeyaha Adobe

Sida shabakadaha intooda badan, waxaan isticmaalnaa "aalada xayaysiinta", "ilayska shabakada," iyo qalabyo la mid ah. Waxay kaa caawinayaan inaad si hufan u isticmaasho shabakada. Waxay kaloo raad raacayaan dhaqdhaqaaqyadaada.

  • Aaalada xaysiinta waa xog yar oo lagu soo dirayo aalada aad isticmaalayso. Kaliya adeegaha ku siiyay ayaa akhrin kara. Waa kaarkaaga aqoonsiga ee shabakada. Waxay u ogolaanaysaa Maximus inay la socoto dhaqdhaqaaqyadaada iyo waxa aad doorbidayso. Looma isticmaali karo kood ahaan ama looma soo diri karo fayras ahaan.

  • Ilayska shabakada waa sawir yar oo hufan. Waxay ku guntan tahay bogga HTML-ka ama iimaylka. Waxay raad raacdaa markii bogga ama iimaylka la daawaday.

Maximus waxay isticmaalaan aalada xayaysiinta iyo aaladaha la midka ah si uu ula socdo isticmaalkaaga shabakada, alaabta iyo adeegyada aad aragto, iyo macluumaadka aad soo dejisay. Waxaan tirinaa tirada dadka soo booqda maalintii. Adeegayaasheena shabakadu waxay galiyaan ciwaanka goobta saxda ah ee kombiyuutarkaaga. Maximus ma ogola isticmaalka aaladaha xayaysiinta (la kaydiyay) ee joogtada ah.

Shabakadu waxay isticmaashaa Falaanqeeyaha Adobe. Falaanqeeyaha Adobe magaran karo isticmaalayaasha gaarka ah. Ma xiriirin karo ciwaanka goobta aad joogtid iyo xog kasta oo ku jirto Falaanqeeyaha Adobe. Warbixinada Falaanqeeyaha Adobe waxay naga caawinaysaa fahamka taraafikada shabakada iyo isticmaalka bogga shabakada. Si aad wax badan uga ogaatid, akhri Qarinta Sirta Adobe.

Ku laabo Nuxurka

Ka bixida aalada xayaysiinta Falaanqeeyaha Adobe

Haddii aadan rabin aaladaada inuu aqbalo aalada xayaysiinta, waxaad bedeli kartaa hagaha ikhtiyaarka ah ee aaladaada. Qaar ka mid ah sifooyinka shabakada ama adeegyada ma shaqeyn karaan ama lama heli karo aalad xayaysiin la'aan. Si aad wax badan uga ogaatid Falaanqeeyaha Adobe ee raad raaca aalada xayaysiinta, akhri Siyaasada aalada xayaysiinta ee Adobe . Si aad wax badan uga ogaato ka bixista, akhri Doorashada Qarsoodiga ee Adobe.

Ku laabo Nuxurka

“Ha Raad Raacin”

"Ha Raad-raacin" waa dookh aad ku xiri karto aalada aad ka isticmaalaysid shabakada. Waxay u sheegaysaa shabakadaha aad booqato inaadan rabin inay ururiyaan macluumaad adiga kugu saabsan. Shabakadu kama jawaabto "Ha Raad-raacin" ama calaamadaha noocaas ah.

Ku laabo Nuxurka

Amniga

Maximus waxa ay si adag uga go'an tahay ilaalinta macluumaadka shakhsiyeed ee lagu ururiyo shabakadan. Waxaan ka ilaalinaa galitaanka, isticmaalka, ama siidaynta aan la ogolayn. Maximus waxay xaddidaa gelitaanka shaqaalaha ee macluumaadka shakhsiyeed ee lagu soo aruuriyo shabakadan. Kaliya shaqaalaha u baahan inay galaan shabakadan si ay u gutaan waajibaadkooda rasmiga ah ayaa geli kara. Dhammaan shaqaaluhu waxay raacaan sharciyada siidaynta macluumaadka shakhsi ahaaneed.

Maximus waxay isticmaalaan tillaabooyinka amniga farsamada iyo hababka si loo ilaaliyo macluumaadka shakhsiyeed ee aan ku ururinno shabakadan. Waxaan ka ilaalinaa inay lunto, si khaldan loo isticmaalo, la beddelo, ama la burburiyo. Waxaan haynaa siyaasadaha Amniga iyo Amniga macluumaadka si aan u ilaalino xogta. Waxaan siinaa shaqaalaheena tababar joogto ah oo ku saabsan amniga macluumaadka iyo sirta. Maadaama Khadka uu furan yahay amaana uusan ahayn, Maximus mas'uul kama noqon karto amniga macluumaadka shakhsiyeed ee lagu soo diro khadka. Waxaan leenahay qorshe jawaab celin oo rasmi ah haddii xog la jabsado.

Si loo ilaaliyo xiriirkaaga shabakada, waxaan xaqiijinaa, la soconaa, hubinaa, oo aanu siraynaa hawsha. Waxaad ku ogaan kartaa haddii shabakad ay ammaan tahay adigoo eegaya ciwaanka shabakada (URL). Nuxurku wuxuu ka imaanayaa adeege sugan haddii ciwaanka shabakadu ama URL-ku ka bilowdo https:// beddelkii http://. Tani waxay ka dhigan tahay dadka aan la oggolayn ma akhrin karaan ama ma fahmi karaan macluumaadkaaga shakhsi ahaaneed ee lagu aqoonsan karo. Tani waa qayb ka mid ah ballanqaadkeena oo ah inaan ilaalino macluumaadkaaga. In kasta oo aan dadaalayna, ma jiraan tallaabooyin ammaan oo gebi ahaanba sugan. Adigoo isticmaalaya nidaamkan, waxaad ogolaatay la socodka iyo isdabaraaca.

Ku laabo Nuxurka

Caruurta

Maximus waxaa ka go'an inay si buuxda ugu hoggaansanto Xeerka Ilaalinta Qarsoonnimada ee Carruurta. Uma soo jeedino shabakadan carruurta. Anagoo og si bareer ah uma ururino macluumaadkashakhsiyeed carruurta. Waxaan la shaqeynaa waalidiinta iyo mas'uuliyiinta si aan uga tirtirno diiwaanadeena wixii macluumaad shakhsi ah oo laga yaabo in cunug si khaldan ugu shaaciyay shabakadan. Maximus waxay kaga mahad celinaysaa la shaqayntaadan ku aadan sharuudaan ay federaalka waajibisay.

Ku laabo Nuxurka

Dib u eegida iyo sixida macluumaadkaaga

Waxaan isku dayeynaa inaan xogtaada ilaalino iyadoo ah mid sax oo cusub. Si aad u bedesho ama u cusboonaysiiso macluumaadka gaarka ah ee barnaamijkeena, Fariin u qor Maximus ciwaankan hoos ku xusan. Na sii faahfaahin intaad awoodo. Si loo saxo macluumaadka gaarka ah ee aad siisay dawlada dhexe, gobolka, ama dawlada hoose ee aanu la shaqayno, la xiriir waaxda adeega macaamiisha ee barnaamijkaas. Ka akhri qaybta hoose Sida naloola xiriiro.

Ku laabo Nuxurka

Afeefta macluumaadka

Macluumaadka shabakadan waxaa loola jeedaa in dadweynaha si degdeg ah loo siiyo macluumaadka dadweynaha. In kasta oo aan isku dayeyno inaan bixinno macluumaad sax ah, oo markaa taagan, oo la isku halleyn karo, Maximus waxay fahamsan tahay in khaladaadka bini'aadam iyo kuwo farsamo ay dhacaan. Maximus iyo shaqaalaheenna, saraakiisha, iyo wakiillada mas'uul kama ahan in macluumaadka ku yaal shabakadan uu yahay mid sax ah, dhamaystiran, oo casri ah, ama ku habboon.

Ku laabo Nuxurka

Isbeddellada ku yimid bayaanka Qarinta Sirta

Waxaan cusbooneysiineynaa Bayaanka Qarinta sirta. Markaan bedelno, waxaan bedelnaa "Cusbooneysiintii ugu dambeysay" taariikhda xagga sare ee bayaanka qarinta sirta. Ka hubi shabakadeena bayaank qarinta sirta ah ee u dambeysay. Markaad isticmaasho shabakadeena ka dib markii aan beddelno taariikhda "Cusboonaysiintii ugu dambaysay", waxay la macno tahay inaad aqbashay isbeddellada.

Ku laabo Nuxurka

Sida naloola soo xiriiro

Haddii aad qabtid wax su'aalo ama walaac ku saabsan macluumaadkaaga, ama aad dib u eegto ama u saxdo, nagala soo xiriir:

Lambarka telefoonka bilaashka ah
888-810-OHIO (6446)

Boostada
Maximus
Ohio Central Paternity Registry
Attn: Privacy Official
2400 Corporate Exchange, Suite 240
Columbus, OH 43231

Haddii aad qabtid wax su'aalo ah ama walaac ku saabsan bayaankeea qarinta sirta, nagala soo xiriir: Iimayl

Iimayl
PrivacyOfficial@maximus.com

Boostada
Maximus Privacy Official Office
1600 Tysons Boulevard, Suite 1400
McLean, VA 22102

Ku laabo Nuxurka